|
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo Dil ka badbaaday |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Thursday, 08 November 2007 |
|
Mugdisho,(insidesomalia.org) Afhayeenka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha warfaafinta gobolka Maxamed Muxidiin Cali ayaa saakay ka badbaaday isku day la doonayey in lagu dilo iyadoo qarax xoogan oo nooca miinada dhulka lagu aaso loo dhigay gaari uu ku socday afhayeenka.
Qaraxan miino oo aan khasaare badan geysan ayaa la sheegayaa in darawalkii gaariga uu dhaawac ka soo gaaray, gaarigiina uu burbur ku yimid, iyadoo sida afhayeenka qudhiisa uu sheegay aanay cid kale wax ku noqon.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Booliska Dowladda KMG Soomaaliya oo baaris ka sameeyay xaafadda qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in tiro dad ay u qabqabteen.
Afhayeenka la weeraray Maxamed Muxidiin Cali ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxan aanu cabsi gelin doonin isla markaana uu howlahiisa shaqo ee uu u haayo shacabka Soomaaliyeed uu sii wadan doono sida uu yiri, wuxuuna intaa raaciyay in dadka la qabqabtay baaritaan lagu samaynayo.
|